joomla visitor
Thursday, September 09, 2010
   
Text Size

Hey’adda Haro oo Deeq dhar ah gaarsiisay dadka tabaalaysan ee ku dhaqan M. Garoowe

Hey’adda  Samafalka ee Humanitarian Africa Relief Organization (Haro) ayaa macaawino dhar ah ka qeybiyay Xerada Qaxootiga ee Kaam Riig ee Magaalada Garoowe oo ay dagan yihiin ku dhawaad(Sawiro ) 160 qoys oo tabaalaysan , waxaana deeqda dadkaaa tabaalaysan gaadhsiiyay gudi Culimo ah oo ay ka mid ahaayeen Sheekh Yaasiin C/laahi Cali  waxayna Culimadu ahaayeen kana wakiil ah Hey’adda Haro

Deeqda dharka ah ayaa la wada gaadhsiiyay dadka ku dhaqan Kaamka waxayna dadkii Kaamku u mahad celiyeen Hey’adda Haro ee soo gaadhsiisay deeqdaas dharka ah . 

Deeqda lagudoonsiiyay dadkaas ayay u gaadhay  si isku mid ah  ,waxayna isugu jirtay  dharka Dumarka iyo Raggu xidhaan iyo sidoo kale kuwa Caruurta  waxaana sidoo kale wehliyay Kabo iyo agabka ay ciyaalku  ku cayaaraan. 

Sheekh Yaasiin C/laahi Cali ayaa Somalimirror u sheegay in ay ku talo jiraan in Kaamamka kale ee magaalada ay gaadhsiin doonaan deeq la mid ah mida ay gaadhsiiyeen Kaam Riig .

 

 

Waxa uu Sheekh Yaasiin intaa ku daray in si siman ay u gaadhsiin doonaan Kaamamka ay dagan yihiin dadka tabaalaysan iyagoo ka wakiil ah Hey’addaHaro


 

Hay’adda Haro ayaa ah Hey’adda kheyri ah saldhigeeduna uu yahay Maraykanka gaar ahaan Gobolka Santiago, waxayna inta badan Hey’addani kaalmaysaa dadka dhibaataysan iyadoo deeqdeeda u badisa dhanka Caafimaadka Cunadda iyo dharka la xidho .


Muuqalka guud ee Kaamka Riig

 

Mid ka mid ah Hooyooyinka Kaamka ku dhaqan oo la hadlaysa Warbaahinta

 

 

Who's Online

We have 2 guests online

NEWS

  • HARO oo Deeq Dhar ah ka bixisey Ceelasha Biyaha. Hay’ada HARO ee maxaliga intii dhowr cisho ah waxey kaalmo dhara ka qeybineysay deegaanada loo qaxey ee Ceelasha Biyaha ee Gobolka Shabeelada Hoose, waxaana deeqdan ka faa’iideysatay Boqolaal...
  • Baladwayne Refugee Camp HARO has extended a generous hand to the refugee camp in Baladwayne, Somalia. People got food and plastic tents that can help them build their huts. This came after haro was informed that the refugees...
  • HARO oo deeq lacageed qaybisay Ururka Samafalka ee Humanitarian African Relief organization marka magaciisa lasoo gaabiyana loo yaqaano HARO oo kamida ururada soomaaliyeed ee mutadawiciinta ah ee kajira cariga maraykanka ayaa...
  • 1
  • 2
  • 3
  • 4
  • 5
  • 6
  • 7
  • 8

Register or Login