joomla visitor
Wednesday, September 08, 2010
   
Text Size

Hay’ada Haro ee Deeq Raashin ah ka qeybisey Magaalada Baydhabo.

08/10/09 Hay’ada Humanitarian  African Relief Organization (Haro)   ee Maxaliga ah waxay deeq raashin ah ka qeybisey Kaam ku yaala Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay oo ay ku jiraan dad Qaxooti ah oo ay la soo gudboonaadeen dhibaatooyin nolaleed.( Sawiro )

 

Hay’ado Haro ayaa dadka Qaxootiga ah gaarsiiyay raashin ku fadhiya qiimo ahaan $1150, kaas oo isugu jirey Galey & Saliid.

 

Hay’adu markii hore waxey ugu talo gashey Deeqda raashinka inay ka faa’iideystaan qoysas kor u dhaafaya 80 qoys, balse markii danbe ee xarunta Kaamka gaartey ayey qorsheheedii hore wax ka badeshey mashruucana balaarisey.

 

Dadkii kale duwanaa ee ka faa’iideystan Deeqda Hay’ada Haro gaarsiiyay oo u badnaa maato ah ayaa aad ugu farxey deeqdan.

 

Maaha markii ugu horeysay oo Hay’ada Haro deeq noocan oo kale ah gaarsiiso qaxootiyada ku dacdareysay qaar ka mida Gobolada Dalka, waxa ayna horey sidan oo kale deeq raashin & dharba isugu jirta u gaarsiiyay dadka ku dhaqan Ceelasha Biyaha ee Gobolka Sh/Hoose & Gobolada Dhexe.

 

Waxa ayna deeqahan oo kale qeyb ka noqonayaan kuwo sidan oo kale bilihii ugu danbeeyay la soo garsiinayey Qaxootiyada ku kala firdhisan qeybo kale duwan oo ka mida Gobolada Dalka gaar ahaan deegaanada ku xeeraan Magaalada Muqdisho.

 

Shacabka Soomaaliyeed ayaa u muuqda xiliyadii ugu danbeeyay kuwo isku tashanaya, marka loo eego sida dadka wax heystaa gacan wax tar ugu fidinayaan kuwooda kale ee aan waxba heysan.

 

fidinayaan kuwooda kale ee aan waxba heysan.
Boodhka Haro ee Deeq bixinta

Boodhka Haro ee Deeq bixinta

Haween waayeel u badan oo korfadhiya qeybta Deeqda uga soo aadey

Haween waayeel u badan oo korfadhiya qeybta Deeqda uga soo aadey

Muuqaalka Deeqda & Dadka ka faa'iideystay

Muuqaalka Deeqda & Dadka ka faa'iideystay

Muuqaalka dadka Maatida ah ee ka faa'iideystay Deeqdan

Muuqaalka dadka Maatida ah ee ka faa'iideystay Deeqdan

 

Who's Online

We have 1 guest online

NEWS

  • HARO oo Deeq Dhar ah ka bixisey Ceelasha Biyaha. Hay’ada HARO ee maxaliga intii dhowr cisho ah waxey kaalmo dhara ka qeybineysay deegaanada loo qaxey ee Ceelasha Biyaha ee Gobolka Shabeelada Hoose, waxaana deeqdan ka faa’iideysatay Boqolaal...
  • Baladwayne Refugee Camp HARO has extended a generous hand to the refugee camp in Baladwayne, Somalia. People got food and plastic tents that can help them build their huts. This came after haro was informed that the refugees...
  • HARO oo deeq lacageed qaybisay Ururka Samafalka ee Humanitarian African Relief organization marka magaciisa lasoo gaabiyana loo yaqaano HARO oo kamida ururada soomaaliyeed ee mutadawiciinta ah ee kajira cariga maraykanka ayaa...
  • 1
  • 2
  • 3
  • 4
  • 5
  • 6
  • 7
  • 8

Register or Login